
Dowlada Talyaaniga ayaa xaqiijisay in Ciidamada ilaalada Xeebaha dalkaas ay ku mashquulsan yihiin badbaadinta 300-qof Tahriibayaal ah oo dooni kula dagtay Badda Mediterranean,
107 Qofna waa laga soo badbaadiyay, Badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga, kuwaasi oo isugu jira Haween Caruura iyo dhalinyaro sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin u hadlay dowlada Talyaaniga.
Hawl-gal kale oo ay Ciidamada Talyaanigu ka sameeyeen Badda Dhexe (Madatarenian Sea) ayay ku soo badbaadiyeen 116 Qof oo la socday Dooni kale, taasoo kusii jeedday Dalka Talyaaniga.
“Badbaadinta waa sheeko sii socota Wajiyada, dadka, iyo tiro Meydada ayuu Bartiisa Tweitter-ka kusoo qoray Raisulwasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi kadib markii ciidmada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ay soo badbaadiyeen 107-qof oo tahriibayaal ah.
Mashruucda Babaadinta ayaa ah mid sii kordhaaya ay ciidamada Talyaaniga sameenayaan kuwaasi oo biyaha badda u dhaxeysa talyaaniga iyo Labiya ka baadi-goobaya meydadka Tahriibayaasha afartii bilood aynu soo dhaafnay ayaa la xaqiijiyay in ay ku baxday lacag gaareysa 9.5Million Ueros.
Dalalka ugu badan ee Tahriibayaasha ka imaanadaan ayaa lagu sheegay Egypt, Gambia, Nigeria iyo Somalia.
