Arsenal oo ku Dhow Saxiixa Xidiga kooxda Lyon  Alexandre Lacazette

0

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ku dhow in uu la kulmo maamulka kooxda Lyon  si uu kala hadlo arrimaha laacibka reer France ee Alexandre Lacazette, sida ay maanta daabacday Majalada Sunday Mirror.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 25-sano jirkaan  lacago gaaraya £45 million ugu dhaqaaqi karo kooxda Magaalada London ka dhisan iskatoo ay xifaaltan kala kulmayso kooxaha Atletico Madrid iyo West Ham.

Wenger oo ku sugan dalka France ayaa la kulmi doona sidoo kale wakiilka xidigaan .

Kooxda West Ham  ayaa xidigaan dhawaan usoo bandhigtay lacag gaareysa £42m balse maamulka Lyon ayaa iska diiday dalabkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here