Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bii’ada Burci Maxamed Xamze, ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii shalay lagu qaaday hoteelka Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho.
C/salaan Cumar Hadliye, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ayaa bartiisa Twitterka, wuxuu ku xaqiijiyay in weerarkaasi uu ku dhintay Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Burci Maxamed Xamze.
Ala ha u naxariisteen Burci Maxamed Xamze ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka xilligii weerarka uu dhacaayay, Burci, wuxuu horay u soo noqday Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya, hadana wuxuu ahaa Wasiiru Dowlaha dhanka Bii’ada ee xafiiska Raisul Wasaraha, isaga oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.


