Daafaca xulka dalka Croatia Vedran Corluka aya aaminsan in xulkii u gudbay Euro 2016 quarter-finalkii ee Portugal in uu ka daciifsanaa markii loo eego xulalka Turkey iyo Czech Republic.
Daqiiqadii 117-aad gool uu dhaliyay laacibka Ricardo Quaresma ayaa u suurta galisay xulalka dalka Portugal in ay xaqiijistaan booskooda quarter-final-ka koobka Uero 2016 kadib ciyaar ka dhacday Garoonka Lens.
“Portugal wuu ka daciifsanaa xulalka Turkey iyo Czech Republic aan lasoo ciyaarnay”. ayuu yiri Daafaca xulka dalka Croatia Vedran Corluka kadib ciyaartii xalay.

