Dowlada Soomaliya oo Sheegtay in Lasoo Afjaray Weerarkii Hoteelka Naasa-hablood 1

0

Dowlada Soomaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka soomaliya ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarkii galabta dagaalyahano ka Tirsan al-shabaab ay ku qaadeen   Hoteelka Naasa-hablood  1 ee ku yaala isgoyska KM4 ee Magaalada muqdisho.

Ciidamada ayaa la sheegay in haatan ay la wareegeen gabi-ahaanba amaanka Hoteelka waxayna dowlada soomaliya ay sheegtay in dagaalyahano ka Tirsan al-shabaab oo markii horey gudaha u galay hoteelka lagu qaarijiyay hoteelka Gudihiisa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdikaamil Macalin Xirsi, oo Caawa La hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in weerarka Hotelka ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 14 Qof. kuwaas oo 4 kamid ah Meydadkooda Caawa goor dambe laga soo saaray burburka dhismaha Hotelka ee uu qaraxu Saameeyay, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 20 ruux.

Afheyeenka, wasaarada amniga C/kaamil Macali shukri ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen 4 kamid ah kooxaha Argagixisada, kuwaas oo mid kamid ah isku qarixiyay Albaabka hore ee Hotelka, halka Sadax nin oo hubeysan oo isku dayay in ay laayaan dadkii daganaa Hotelka ay toogteen Ciidamada Ammaanka.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here