Gudoomiyha Cusub ee Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa maanta xilkii la wareegay kadib markii dhawaan lagu magacaabay wareegto digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud.
Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya waxaa sidoo kale maxkamada ku sugnaa Gudoomiyihii Hore ee Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Cali Wariiri.
Gudoomiyihii Hore ee Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Cali Wariiri oo munaasabad ugu horentii ka hadlay ayaa ugu baaqay dhamaan Howlwadeena Maxakamada in ay si hufan ula shaqeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir
Dhanka kale Saalax Sheekh Ibraahim Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in uu xilkiisa u gudan doono si hufan oo caddaalad leh isagoo ka codsaday howlwadeennada maxkamadda iney ula shaqeeyaan si wanaagsan.
Dhawaan ayay aheyd markii digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha soomaliya Lagu magacaacay Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe oo ah nin shahaadada Bachelor of Law, ka qaatay Jaamacadda International University of Africa ee dalka Suudan,



