
Inta la xaqiijiyay 15-qof ayaa ku dhimatay oo isugu jira dad shacab ah iyo kooxdii weerarka hoteelka ku qaaday sida ay wakaalada wararka Reuters u sheegeen saraakiil ka Tirsan Booliska Soomaliya.
Mas’uul lagu magacaabo Ali Mohamed ayaa wakaalada Reuters u sheegay in dadka dhintay ay tiro ahaan gaarayaan 15-ruux oo isugu jira shacab iyo dagaalyahanadii weerarka hoteelka kusoo qaaday kuwaasi oo ku guuleystay in ay gudaha u galaan Hoteelka Naasa-hablood ee Magaalada Muqdisho.
“Howlgalka haatan wuu soo dhamaaday Balse ciidamada amaanka Dowlada soomaliya waxa ay xaqiijinayaan Hoteelka amaankiisa waxayna wali baadi-goobayaan in ay jiri karan dagaalyahano kale oo wali gabaad ka dhiganayo hoteelka Gudihiisa ayuu yiri Mas’uulka la hadlay wakaalada wararka Reuters.
Dhanka kale Afhayeenka dhanka Howlgalada Xarakada Al-shabaab sheikh C/casiis Abuu Muscab oo howlgalkaan ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada al-shabaab weerarka Hoteelka Naasa-hablood ay ku dileen 20-ruux oo isugu jirey Mas’uuliyiin dowlada Soomaliya ka Tirsan iyo dad dowlada u shaqeynayay.




