Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud: “Doorashada Soomaliya Waxa ay ku Dhici Doontaa Waqtigii Loogu Talagalay”+Dhageyso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo uu ka Furan yahay Shirka Madashada wadatashiga iyo doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in waqtigii loogu talagay doorashada ay ku dhici doonto sanadkaan.

“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah.Sidaa darteed waxa alagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Sidaa daraadeed guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweyna

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhamaanba siyaasiyiinta Soomaliyeed in ay dibad joog ka ahaadaan arrimaha Doorashooyinka islamarkaana loo madax banaaneeyo Guddigii dhawaan la magacaacay.

Dhanka kale Denjiraha Qaramada ee Arrimaha Soomaliya Michel Keatin aya soo dhaweeyay Hormarka ay qaaday soomaliya isagoo u rajeeyay umada soomaliyeed in ay dalkooda hooyo si nabadgalyo ugu doortaan madaxdii hogaamin laheyd.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here