Ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaliyeed ee Nusoj ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii kasoo yeeray wasaarada warfaafinta Maamulka Puntland ee ku aadana in wariyihii baahiya wararka ku aadan ururka Daacish iyo burcad badeeda Soomalida in indhaha laga bixin doono islamarkaana la dili doono.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaliyeed ee Nusoj Maahir Jaamac aadan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamul dhan oo jira uu ku hanjabo in wariyihii tabiyaha wararka burcad badeeda iyo daacish in indhaha laga bixin doono islamarkaana nolosha la dhaafin doono.
War kasoo baxay xafiiska Nusoj ayaa sidaan u qornaa:-
Waxaa nasiib daro weyn ah in wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ay si ixtiraam la’aan ah oo waliba khilaafsan sharciga iyo dastuurka dowliga ah ula dhaqanto saxafadda madaxa banaan ee ku howlan u adeegida shacabka Puntland ee Soomaaliyeed.
Warbaahinada iyo wariyaasha Puntland waxaa ay door muhiim ah ka ciyaaraan Amniga, Horrumarka, waxsoosaarka, xogsiinta dadweyna, midnimada, isku xidhka iyo wadaniyadda shacabka ku nool gudaha Puntland.
Hadaba, waxan madow ku jirin in hadalka wasiirka warfaafinta iyo go’aanada wasaaraddu ay yihiin arimo lama filaan ah marka loo eego heerka laga filayay inay maanta joogto Puntland, waxaana hubaal ah caburinta saxaafadda iyo hanjabaada loo gaysanayo in ay si fudud u horseedi karaan dib u dhac iyo musuq waxyeela rajada dadweynaha puntland ee dhowraya in dhaqamada dimuquraadiyadda iyo dowlad wanaaga si taam ah loo gaaro.
Aniga oo ku hadlaya Magaca Magaca guud ee saxaafadda Soomaaliyeed Waxaan ka codanayaa in wasaaraddu ay ka noqoto go’aanada ay soo saartay e ka hor imanaya Dastuurka PL iyo kan guud ee qaranka Soomaaliya, sidoo kalena aanay wasaaradu sahashan ama lumin sugnaanta iyo dareenka nabadeed ee wariyaasha ku howlan danta guud.
Dhinaca kale waxaan wariyaasha Puntland ka codsanayaa inay fikir iyo aragti mid ah ku difaacaan waligood xuquuqahooda sharciga ah iyo waajibaadkooda xorta ah.
Mahadsanidiin

