Wararka caawa naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa ku waramaya in amar kasoo baxay xafiiska Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Soo cadde hawada loogu saaray Xaruntii Radio Daljir ee Magaalada Garoowe.
Ciidamo aad u hubeysan oo ka Tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xarunta gaaray waxayna ku amreen shaqaalihi xarunta ku sugnaa in ay kala tagaan waxaa haatan hawada kamaqan xaruntii Radio Daljir ee Magaalada Garoowe.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Radio Daljir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada soo gaaray xarunta ay ku wargaliyeen in ay ku socdaan amar laga soo siiyay Waasaarada Warfaafinta Puntland.
Arrimahaan oo idil ayaa kusoo beegamaya xili dhawaan wasaarada warfaafinta Puntland ay sheegtay in aan la baahin karin wararka ku aadan Burcad badeeda iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda Puntland sida Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari C/samad Gallan.

