Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen Nabadoon Maxamed Aadan Nuur (Carabey) oo si wayn looga yaqaanay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Raga hubeysan ayaa nabadoonka gurigiisa ku weeraray waxayna ugu dambeyn ay ku dileen afafka hore ee hoygiisa oo ku yaala degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay kala soo baxeyn hooygiisa.
Raga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday dilka kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka Tirsan dowlada Soomaliya oo baaritaano ka sameeyay goobta.
Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa Universaltv u sheegay in xoogaga ammaanka ay baadigoob ugu jiraan labadaasi nin.
Dhanka kale 2-ruux oo kale ayaa iyagana lagu dilay xaafadda Dhagaxtuur ee Degmadaasi Afgooye, markii dabley aan la aqoon ay ku soo weerartay.

