Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxay ku dileen Gudoomiyaha laanta Waaxda Afaraad Ee Degmadaas.
Gudoomiyaha la dilay ayaa magacaabisa lagu sheegay Axmed Guud Cade “Siidow Gacameey” wuxuuna madax ka ahaa laanta Waaxda Afaraad ee Degmadaas.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo bartiisa Bulshada qoraal kooban soo dhigay ayaa ku sheegay in ciidamada amaanka dowlada soomaliya ay ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay dilka Gudoomiyaha laanta Waaxda Afaraad ee Degmada Shibis.
Dhanka kale nin la sheegay in uu la shaqeynayay Hay’adaha ka howlgala Gudaha Muqdisho ayaa galabta lagu dilay Isgoyska Baar Ubax.

