Wararka Caawa naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in degmada Jowhar goordhaweyd lagu dilay Taliyihii Nabad sugida Gobolkaas.
Taliyaha la dilay ayaa magacabiisa lagu sheegay C/wali ibraahim Maxamed waxayna koox hubeysan ay ku dileen Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe xiligii salaada cishaha.
Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu diley mid ka mid ah Ciidamada Nabadsugida iyadoo aan la sheegin sababta dhabta ah ee loo diley taliyaha Nabad sugida Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in Taliyaha uu dilay askar horey ugu soo goostay al-shabaab oo isaga ilaalo u ahaa.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay arintaan ka hadlaaan.

