Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa galabta ka dhacay Deegaanka Masagawaa oo Ka Tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya ayaa sheegay in Ciidamada dowlada Soomaliya ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen Ciidamo ka Tirsan al-shabaab oo ku sugnaa Deegaanka Masagawaa oo Ka Tirsan Degmada Ceeldheer iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal saacado badan socday.
Mas’uuliyiinta u hadashay dowada Somaliya waxa ay sidoo kale sheegeen in dagaalka al-shabaab loogu dilay 8- ka Tirsan Ciidamadooda halka 8-qoray oo kuwa dagaalka ahna loogu soo furtay waa sida hadalka loo dhigay.
Ilaa hadal ma jiro wax war oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Masagawaa oo Ka Tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.

