Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof-Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid shirkii madashada wadatashiga iyo Doorashooyinka Qaranka oo 22-ka bishaan ka furmi lahaa Magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha, ayaa waxaa uu sheegay in shirka uu furmi doono 25-ka bishan, isla-markaana uu Magaalada Baydhabo u tagay , sidii uu u qiimayn lahaa qaabka looga diyaargarowbay martigelinta shirka madashada Wadatashiga iyo Doorashoyinka qaranka.
Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Maamulka Koonfur Galeed Soomaaliya waxaana kulamada diirada lagu saaray sidii looga wada qeyb qaadan la haa Doorashooyinka iyo Bulshada Gobalada Koofur Galbeed in ay helaan kaalintooda Awood qeybsiga Golayaasha Dowlada Cusub ee la soo dhisayo dabayaaqada Sanadkaan
Arimaha ugu muhiimsan ee Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo Odayaasha Baydhabo ay kawada hadleen waxaa kamid ah in Beelaha Maamulka Koofur Galbeed sidii ay u wajahayaan Tirada ay ku yeelanayaan Ergada Soo dhisaysa Aqalada Golaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya uu yeelanayo Markii ugu horeysay.

