Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa Madaxda Dowlada Soomaliya ku eedeeyay in ay ku fashilmeen dhisida Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen isbahaysiga Xisbiyada Soomaliyeed ayaa ku tilmaamay qaar kamid ah Madaxda Dowlada Soomaliya kuwa aan dooneenin In la dhiso Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
“Madaxda Dowlada waxa ay doonayaan in umada Soomaliyeed la kala qeybiyo anaga waxaan doonaynaa in aan isku keeno, Dowlada Soomaliya way ku fashilmatay dhismaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha waa wax laga xumaado in Madaxda dowlada Soomaliya ay dhahaan waxaan ku wareejinay dhismaha shirka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Urur Goboleedka IGAD” ayuu yiri Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaliya ayaa marar badan ku celcelisay in meel wanaagsan ay marayaan arrimaha Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

