Mooto Bajaaj Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo Xalay ku Qaraxday Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

0

Sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha amniga  1-nin ayaa  dhintay kadib markii mooto Bajaaj laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay xalay ku qaraxday Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Mudane C/kaamil Macalin Shukri, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida, ay helayn xogta ninkii la socday mootada laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, balse uu ninkaasi isku deyay inuu ka baxsado Ciidanka, markii dambena uu kaligii is qarxiyay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa tilmaamay in ciidamada Nabad sugida ay baaritaano ku hayaan ninkii is qarxiyay, halka uu bartilmaameedkiisa ahaa iyo goobta laga soo abaabulay mooto Bajaajka laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada qaraxa loo adeegsaday  Mooto Bajaajka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here