Qaramada Midoobe oo ku Taageertay Dowlada Kenya Xiritaanka Xeryaha Qaxootiga Gobolka Woqooyi Bari

0

Qaramada Midoobe ayaa ugu dambaytii ku raacday Go’aanka ay dawlada Kenya ku gaartay in ay ku xirto Xeryaha Dhadhaab ,halkaas oo ay ku noolyihiin ku dhowaad nus malyuun qof oo intooda badan Somaali ah,waxaana ay balan qaaday in ay raadin doonto dhaqaalihii dib loogu celinlahaa Qaxootigaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Aamina Maxamed ayaa waxa ay sheegtay in kulan ay ku qaateen Magaalada Brussels, ee dalka Belgium-ka, Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon ay isku raaceen in dib loo celiyo qaxootiga lana xiro xeryaha Dhadhaab ee ku yaala Gobolka Waqooyi barri ee dalkaas.

Aamina Maxamed Wasiirka arrimaha Dibada Kenya  waxaa ay xustay in kal horaba ay bilaabatay dib u celinta qaxootiga, 14,000 oo qofna ay dib ugu laabteen dalka Somaliya.

Madaxweyne Kenyata ayaa intii uu socday kulanka uu laqaatay Ban Ki-moon Xoghayaha Guud ee qaramada waxaa uu ku celceliyay in xeryaha Dhadhaab ay saldhig u yihiin Xarakada Al-shabaab lagana soo abaabulo weererada iyo dilalka qorshaysan ee laga fuliyo dalka Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here