Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Soomaliya oo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay+Dhageyso

0

Wafdi ka socda Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay kuwaasi oo horudhac u ah Raisulwasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo isana ku wajahan Magaaladaas.

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ahan Wasiirka Beeraha Maxamed Xasan Fiqi, oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wafdiga ka socda Golaha wasiirada Xukuumada Soomaliya ay Horudhac u yihiin Raisulwasaaraha Soomaliya oo kusoo wajahan Magaalada Baydhabo oo 25-ka bishaan oo ka Furmi doono shirka madasha wadatashiga doorashooyinka Qaranka.

Wasiirka Beeraha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, waxa uu tilmaamay in galabnimada maanta ay magaalada Baydhabo ay soo gaari doonaan Wasiiro ka socda Maamulada Juba-land iyo Galmudug si ay ugu qeyb galaan shirka Hanaanka Doorashada loogu hadlaayo.

Amaanka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa aad loo adkeeyay waxaa Magaalada Lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga madaama 25-ka bishaan uu ka furmi doono shirka Hanaanka Doorashada loogu hadlaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here