Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya oo wareysi siiyay idaacada simba ayaa sheegay in baarlamanka Soomaliya uusan waxba ka ogeyn Guddiga Doorashooyinka uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka ee horey loo Magacaabay ay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ogaayeen kaasina uu ahaa mid la horkeenay Baarlamanka Soomaliya islamarkaana la ansixiyay, balse tani ay Xildhibaanada ku noqotay fajac.
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa ugu baaqay madaxda Dowlada in ay qaataan Go’aan qancin kara shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaliyeed magacaabista Guddiga Doorashooyinka Cusubna ay keentay muran badan oo ka yimaada siyaasiyiinta shakina uu galo shacabka.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu Magacaabay Guddiga Doorashoyinka sanadkaan 2016-ka.

