Agaasimaha Ciyaaraha kooxda Barcelona Robert Fernandez ayaa xaqiijiyay In Barca ay xiiseenayso daafaca dhexe ee kooxda Evertoon Ramiro Funes Mori..
Kooxda ku guuleysatay Horyaalka dalka Spain ee Barcelona wakiilo ka socda ayaa ku sugan dalka Mareykanka iyagoo daawanaya qaab ciyaareedka daafaca Ramiro Funes Mori oo xulkiisa Argentine kala qeyb galaya ciyaaraha Copa America.
“waa cyaaryahan fiican waan ognahay muddo badan ayaan ku raadjoognay laakin haatan heshiis lama gaari doono ayuu u sheegay Robert Fernandez Sport. .
Ramiro Funes Mori ayaa bandhig wanaagsan ku qaatay xili ciyaaredkii hore kooxda Evertoon isagoo kasoo muuqday 28-kulan 4-Gool ayuu u dhaliyay.

