Khilaaf Soo kala Dhexgalay Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ku-xigeenkiisa

0

Waxaa xiligaan soo ifba baxaya qilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay.

Khilaafka ayaa sida aan xogta ku helnay la xariira latashi la’aan uu Madaxwayne ku-xigeenku ku eedeeyay Madaxwaynaha Puntland, iyadoona arrinka ugu wayn ee la isku hayo uu yahay in Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu latashi la’aan qaybiyay xubnaha 11 ah ee aqalka sare ee Puntland ka heshay Baarlamaanka.

Eng Camay Madaxwayne ku-xigeenka Puntland   ayaa Madaxwayne Gaas Sidoo kale ku eedeeyay in uu taladii faramarooqsaday, waxaana taasi ay sahashay in Baarlamaanka uu Madaxwayne Gaas kala hadlo in mooshin ay ku ridaan Madaxwayne Kuxigeenka.

Xubnaha Baarlamaanka ee taageersan Madaxwaynaha Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa abaabul ugu jira inay gudbiyaan mooshin, walow wararka qaar ay sheegayaan in aan la hubin guulaysiga mooshinka abaabulkiisu socdo.

Madaxwayne Kuxigeenka Puntland ayaa dhankiisa kulamo la leh Baarlamaanka qaar ka tirsan, waxaana arrimahaan oo idil ay kusoo beegmeen xili uu furan yahay kalfadhigii 37 aad ee Golaha Wakiilada  Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here