Arsene Wenger:- Labo Ciyaartooy kaliyah ayay Arsenal u Baahan Tahay

0

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa cadeeyay In ay kooxdiisa u baahan tahay kaliyah labo ciyaartooy oo tayo wanaagsan.

Kooxda Gunners ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku raadjoogtay weeraryahanka kooxda Leicester City Jamie Vardy’ iyadoo ku baadigoobaysay aduun dhan £20 million sida uu xaqiijiyay Macalinka reer france ee Arsene Wenger.

Gunners ayaa xili ciyaareedkaan lasooo wareegtay kaliyah xidiga heerka caalami ee xulka dalka Switzerland  Granit Xhaka kaasi oo qadka dhexe ka ciyaara.

Kooxda arsenal ayaa raadinaysa 12-sano kadib ku guuleysiga Horyalka dalka Ingirisiika.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here