Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Ethopia iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceel-buur.
Dagaalka ayaa yimid kadib Markii dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen ciidamada Ethopia oo marayay deegaanka Ceel-qooxlle oo qiyaastii 20 KM ujirta Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Labada dhinac ayaa isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana la sheegay In ciidamo kale oo Ethopiyaan oo ka yimaaday dhanka Dhuuso Mareeb in ay kusoo biireen dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-qooxlle oo qiyaastii 20 KM ujirta magaalada Ceelbuur.
Al-shabaab ayaa dagaalka guul ka sheegtay waxayna warbaahintooda ku baahiyeen in dagaalka gadiid loogu gubay Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Amisom.

