Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare Afrax, oo kamid Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa iska fogeeyay in askari kamid ah ilaaladiisa uu ka dambeeyay dilka nin darawal ka ahaa mooto bajaaj, oo dhawaan lagu dilay wadda Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah Ehelada ninka Mooto bajaajka ee la dilay oo warbaahinta la hadlay dhawaan ayaa sheegay in dilka wiilkooda uu ka dambeeyay askari ka Tirsan Ilaalada Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare Afrax .
“Wax anaga aan shaqo ku leenahay maaha, naloomana saarin karo. Waxaa laga rabaa ciidamada ku shaqada leh arrintaasi, in ay dib u baaraan, si fiicana u baaraan.” Ayuu yiri Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare Afrax.
25-kii bishii May aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii nin mooto bajaajle ahaa lagu dilay wadada Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho Hay’ada amniga Dowlada Soomaliya ayaa sheegay in ay wali ku howlan yihiin baaritaanka shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka.

