Raisulwasaaraha Soomaliya oo Sheegay in Xukuumada ay u Diyaar Garowday Doorashada Soomaliya+Dhageyso

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay In Xukuumada Soomaliya ay u diyaar garowday Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa tilmaamay In meel wanaagsan ay marayaan Hanaanka Doorashooyinka Soomaliya islamarkaana ay Xukuumada Soomaliya u dajisay qorshayaal qaabka loo wajahaayo Doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan.

Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in shirka ka dhacaya 22-ka bishaan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay loogu hadli doono dhameystirka Odoyaasha soo xulaya Baarlamanka Soomaliya uu yeelan doono dhawaan.

“Dhinacyada Amniga Xukuumada soomaliya waxa ay u dajisay qorshayaal, meel wanaagsan ayay wax walba marayaan shirka Magaalada Baydhabo ka Furmaya 22-ka bishaan waxa uu dhameystir u yahay arrimaha Doorashooyinka ayuu yiri Mudane  Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here