Ciidamo Kenyaan oo Soo Buux Dhaafiyay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Dowlada Kenya ay Ciidankii ugu faraha badnaa soo dhoobtay Degmadaas.

Ciidamadaan keyaantiga ayaa  la sheegay in ay wataan hubka noocyadiisa kala duwan  iyo gaadiidka gaashaaman iyagoo sidoo kale hakad galiyay dhaq-dhaqaaqii xuduuda, sidoo kalana is hor istaag ku sameeyay dadkii u kala gooshahay labada dalka

Tani waxay walaac xoog lihi ku abuurtay bulshada ku dhaqan Degmada Beled Xaawo, waxayna hadalhayan in Kenya ay dib u soo celisay qorshihii ay ku dooneysay in darbiga kaga dhisto xuduuda labada dal ay wadaagaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here