Donald Trump oo ah Musharaxa doorashada dalka Mareykanka u matalaya Xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in Soomalida ay ku biiraan Ururka Daacish.
Qudbad uu u jeedinaayay qaar kamid ah Taageerayaashiisa ayuu ku sheegay in soomalida ay yihiin kuwa ugu badan ee ku biira ururka Daacish islarmarkaana ay tahay in socdaalka dalka Maraykanka wax laga badalo.
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka Donald Trump ayaa eedeen kala dhul dhacay Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama oo uu ku sheegay in uu yahay kan ka dambeeya in dadka ku biiira ururada islaamiyiinta in ay yimaadaan dalka Mareykanka islamarkaana la siiiyo Dhalashada.
Sidoo kale Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa Soomalida Maraykanka dagan ku tilmaamay qaxooti doonaya inay Daacish ku biiraan.
“Dadka Muslimiinta Waa in Laga Mamnuucaa Soo Galista dalka Mareykanka ayuu Yiri Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump

