Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Ciidamada Ethoipia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Amisom.
Ciidamo aad u hubeysan oo ka Tirsan Kuwa Al-shabaab ayaa la sheegay in ay haatan ku sugan yihiin Xarumaha deegaanka Wabxo waxayna Al-shabaab ay deegaanka la wareegeen iyadoo aysan ka dhicin wax dagaal ah.
Dagaalo sacado badan socday ayaa la sheegay in jimcihii aynu soo dhaafnay ilaa habeenkii xalay ahaa in ay ka socdeen deegaanka Wabxo oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Ciidamada Ethopia.

