Dawlada Germalka ayaa sheegtay inay aad u ilaalin doonto ammaanka xubnaha ku jira baarlamaanka dalka Germalka sidoo kalana waxaa ay ka dalbatay in aysan u socdaalin dalka Turkiga.
Tilaabadaan ayaa ka dambaysay kadib markii baarlmaanka dalka Germalku ay Ansixiyeen qaraar ku saabsanaa in dawlada Turkygu ay xasuuq u geystay dad ka soojeeda dalka Germalka sanadkii 1915.
Qaarka mid ah Xildhibaanada dalka Germalka ayaa waxa ay sheegeen in ay soo gaareen hanjabaadyo kadib markii barlamaanka dalkaas uu ansixiyay qaraarkaas, kaasi oo sidoo kalana xiisad ka dhex abuurtay labada wadan ee Germalka Turkiga.

