Baarlamanka Soomaliya oo Maanta Ansixiyay Hindise Sharciyeedyo Dhowr ah

0

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta ansixiyay qaar ka mid ah hindise sharciyeedyo dhowr ah oo xilligaan horyaalla kalfadhigga 8-aad ee Golahaasi.

Hindise sharciyeedyada maanta la Ansixiyay waxaa kamid ah habka asaxaabta siyaasadda ee dalka,xanaanada xoolaha iyo Dhismaha Guddigga madaxa bannaan ee xuquuqul insaanka oo mudooyinkii ugu dambeeyay horyaalay Baarlamanka.

Kulanka Maanta waxaa shir gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Jeylaani Nuur Iikar, waxaa   Xildhibaanada Baarlamaanka  ay maanta sidoo kale akhrinta koowaad mariyeen heshiiska dalalka afrikada bari loogu dhisayo ciidamo gurmad ah.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaanada Hortagay Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo xildhibaanada faahfaahin ka siiyay qodobadii kasoo baxay shirkii loogu hadlaayay Dhismaha Ciidamada Gurmadka dalalka afrikada bari oo dhawaan dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here