Siyaasiga Salaad Cali Jaalle oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud in uu isagu Mas’uul ka yahay in xaquuqdooda la duudsiiyo Shacabka ku Nool Magaalada Muqdisho.
Mudane Salaad Cali jeelle oo Wareysi siiyay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaliya uu arintaas kaga damacsan yahay in uu mar kale kusoo laabto Kursiga Madaxtinimada ee Soomaliya kadib Doorashooyinka Soomaliya ka dhacaya Sanadkaan 2016-ka.
Mar uu ka hadlayay Guddiga la sheegay in loo magacaabay arrimaha Gobolka Banaadir iyo xunbaha uu ku yeelan doono Aqalka sare ayuu sheegay in ujeedka Guddigaas loo magacaabay ay tahay In waqtiga lagu Lumiyo islaamaarkana la gaaro xiliga Doorashada iyadoo aysan Shacabka Muqdisho helin Xaquuqdooda.
Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay maalintii shalay aheyd in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.

