Waaxda baaritaanka Qaranka ee magalaada Oulu ee Dalka Filand ayaa xabsiga dhigtay nin ay ku sheegtay in looga shakisanyahay in taageero maaliyadeed iyo mid Argagixiso uu u fidinaayay Xarakada Alshabaab.
Xafiiska baaritaanka ee magiciisa loosoo gaabiyo (NBI) ee magaalada Oulu,woqooyiga dalka Filand ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan nin da’ dhexaad ah oo u dhashay dalka Somaliya oo lagu tuhunsanyahay in taageero maaliyadeed iyo mid Argagixiso uu u fidinayay dhaq dhaqaaq Argagixiso oo dalka dibadiisa ka hawlgala.
Sida ay sheegtay waaxda baaritaanada NBI, ninkaan ayaa waxaa sigaar ah looga shakisanyahay in taageero dhinacyo kala duwan ah uu u fidinayay Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Somaliya.
Bishii maarso ee sanadkaan 4 qof oo lagu helay in taageero dhaqaale ay siiyeen kooxo lala xiriiriyo argagaxisnimo ayaa lagu xiray dalka Filand kuwaas oo lagu haystay in ay lacag u dirayeen Al-shabaabka ka dagaalama Somaliya iyo Kenya ayadoo qaar koodna lagu eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen Xagjirnimo.

