Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dalka Somaliya uu ka mid yahay wadamada ugu horeeya ee ay ka jiraan ku xad gudubka Caruurta.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon ayaa tilmaamay in dhibaatooyin aad u daran oo sii kordhaya ay wajahayaan Caruurta ku nool dalka Yemen taas oo ka dhalatay duqayta xulufada uu sucuudigu Hogaaminaayo ay ku hayaan dalkaas.
Xad gudubka loo geysto Caruurta ayaa sidoo kale waxaa liiska ugu sareeya ku jira Afghanistan, DR Congo, Somalia, Myanmar, South Sudan, Sudan, iyo Syria.
Dalka Maraykanka ayaa si dadban loogu soo daray liiskaan waxaana ay war bixintu sheegaysaa in Ciidamada Maraykanku ay duqeeyeen isbitaal ay gacanta ku hayso hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn oo ku yaala Magaalada Kunduz,ee dalka Afghanistan.
Balse waxaa xusid mudan in dalka israa iil aysan ku jirin war bixintaan dalalka ku xad gudba xuquuqda Caruurta in kastoo marar badan ay soo baxaan dhibaatada Caruurta iyo dadka reer falastiin ay u geysato israa iil.

