Meydad Lagu Arkay Deegaanka Xawaadley  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Xawaadley Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in deegaankaas saakay lagu arkay meydadka Seddex ruux oo dad shacab ahaa.

Saddexda ruux ee shacabka  ahaa ee la  dilay ayaa mid ka mid ah  waxa ay  tahay Haweenay, halka labada kalena ay yihiin rag sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka deegaanka Xawaadley.

Maamulka Deegaanka Xawaadley  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay inay jirto Gabar kale oo dhaawac ah oo iyadana dhulka miyigi ah laga soo qaaday, markii la soo qaadaayay meydadka saddexda ruux.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guddoomiyaha Deegaanka Xawaadley C/laahi Macaane Adeerow ayaa sheegay in maamulkiisa uusan garanynin cida ka dambeysay falkaan balse waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano ay sameenayaan Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here