Kulan ka dhacay Madaxtooyada dalka Kenya ay wada qaateen Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Ingiriiska Phillip Hammond ayaa labada Mas’uul waxa ay kuwada heshiiyeen sidii la iskaga kaashan lahaa Ganacsiga iyo La dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.
Madaxweynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Ingiriiska Phillip Hammond oo booqasho ku tagay Kenya ayaa warbaahinta si wadajir ula hadlay kulanka kadib.
Ugu horeyntii Xoghayaha Arrimaha Dibada Ingiriiska Phillip Hammond ayaa sheegay in Kenya ay ka gacan siin doonaan la dagaalanka Argagaxisada iyo in ay Tababaro siiyaan Ciidamada Difaaca Kenya oo dagaal kula jiro Xarakada Al-shabaab.
Dhanka kale Madaxweynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la Dagaalanka Xarakada Al-shabaab iyo Al-qaacida In loo baahan yahay in la iska kaashado isla markaana Caalamka ay Kenya ka gacan siiyaan arintaas.
Sidoo kale kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Amina Mohamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery.

