Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Ahlusuna oo gadood sameeyay ayaa maanta la Wareegay Xarumaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Degmada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada Gadoodka sameeyay ayaa la sheegay in ay wataan Gadiidka noocyadii kala duwan waxaana ay haatann ku sugan yihiin Xarumaha Maamulka Gobolada Dhexe ee degmada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolkada Dhexe ee Ahlusuna aynu la xariirnaya ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaas Gadoodka ay sameeyeen Ciidamada ka Tirsan Kuwa Ahlusuna Waljameeca.
Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

