Xarakada Al-shabaab ayaa Shaacisay Magaca Shaqsigii fuliyey Weerarkii lagu qaaday Habeen ka hor Hotel-ka Ambassador ee Magaalada Muqdisho kaasi oo dhaliyey Qasaaro faro badan oo iskugu jiray Dhimasho iyo Dhaawac
Warka soo baxa Al-shabaab oo ay Baahisay Warbaahinta Taageerta Shabaabka ayaa lagu Sheegay Magaca Rasmiga ah Shaqsigii Fuliyey Weerarkii Dhimashada badnaa ee Hotel Ambassador kaasi oo waday gaari laga Soo buuxiyey Walxaha qarxa oo lagu jabiyey Albaabka hore ee Hotelka Ambassador ee Caasimada Muqdisho.
Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al-shabaab ku hadsha ayaa baahisay Waraysi laga qaaday Bashaar Cumar Aadan (Abuu Layth) oo ahaa Ismiidaamiyihii fuliyey Weerarkii ugu Horeeyey ee lugu qaaday Hotel Ambassador Taariikhdu markay aheyd 1,June 2016
Waxaan la sheegay Bashaar Cumar Aadan (Abuu Layth) in uu ahaa Dagaalyahan mudo ka tirsanaa Al-shabaab kana qeyb galay Weeraro horay Shabaabku ay uga qaadeen Fariisimo Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ay ku leeyihiin Gobalada Dalka Soomaaliyeed.
Weerarka Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Ambassador ayaa waxaa uu ku Bilowday Qarax loo adeegsaday Gaari Walxaha qarxaha laga soo buuxiyey oo uu waday ruux naftii hore ahaa waxaan Xigay Weerar Toos ah oo ay Hotelka Gudaha ugu galeen Dablay Hubeysay oo watay Qoryaha Dadarooriga u dhaca, balse markii danbe waxaa soo afjaray Ciidamada sida gaar ka ah u Tababaraan ee Alpha group loo yaqaano ee Dowlada Soomaliya

