Kornel C/nuur Jaamac Jookar oo ka Mid ah Saraakiishii hore ee Ciidankii Xooga dalka Soomaaliyeed Xiligii Dowladii Militariga aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Max’ed Siyaad Barre oo wareysi Siiyey Idacaada Simba ee magaalada Muqdisho ayaa Dhaliilay Siyaasada Amaanka ee Xukuumada Federal-ka Soomaaliya.
Kornel C/nuur ayaa sheegay in Weerarada Al-shabaab ay ku qaadayaan Hotelada,Xaruumaha Dowlada iyo Gobaha ay Shacabku ku badan yiihiin ay Sabab u tahay Wada Shaqeyn la’aan iyo Dulduleelo badan oo ka jira Ha’yadaha Amaanka dowlada Soomaaliya.
Kornelka oo sii hadlaayey ayaa Dowlada ku dhaliilay inaysan sameyn lambaro lugu yaqaano Ciidamada si loo kala garto Askarta Saxda ah ee dowlada iyo kuwa Al-shabaab ee ku labista dariiska Ciidamada Dowlada marka ay meel Weerarayaan.
“Qaraxyada Al-shabaab waxa ku sameeyaan Gudaha Caasimada Muqdisho Markaa ka Dib ayey meel ku weeraraan taasi waxay Cadeyn u tahay inay jiraan Dulduleelo dhanka laamaha amaanka ah waxaana dhibaatada Shacab ka soo gaarta Dusha saaranaya Mas’uuliyiinta Dowlada” ayuu yiri Kornel C/nuur
Al-shabaab ayaa Dhowr jeer waxa ay weeraro qasaaro geystay ay ku qaadeen hoteelo iyo Xarumo kale oo ay dad badan ku Dhinteen oo uu ugu dambeeyay Weerarkii Hotel
Ambassador ee magaalada muqdisho.

