Maxkamada Magaalada Hargeysa oo Bilowday Dhageysiga Dacwad Loo Heysto Wariyayaal ka Howlgala Soomaali-land

0

Maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land ayaa bilowday Dhageysiga dacwado loo heysto Mas’uuliyiinta Wargeyska Madaxa bannaan ee Hubsad, kuwaasi oo kala Guddoomiyaha Wargeyska C/rashiid Nuur Wacays iyo Tifaftiraha guud ee Wargeyskaasi Siciid Khadar aw Cabdillaahi.

Wasaarada Warfaafinta Maamulka Soomali-land ayaa Masuuliyiinta Wargeyska madaxa banaan ee Hubsad ku eedeysay in ay qoreen warar Lidi ku ah Sharafta iyo jiritaanka Qaranimada Maamulka Soomali-land.

Garsoore Idiris Maxamed Muxumed oo ah garsooraha gacanta ku haya kiiskan eedeynta oo ugu horayn halkaasi ka akhriyey eedaynta, ayaa Mas’uuliyiinta wargeyska Hubsad waxa ay beeniyeen eedeemaha loo heysto ee ku aadan in ay baahiyeen  warar Lidi ku ah jiritaanka Maamulka Soomali-land.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here