Ciidamada Dowlada Ciraaq iyo kuwa Daacish ayaa wali ku dagaalamaya agagaarka Magaalada Falluja oo Ciidamada Ciraaq ay duulaan culus ku qaadeen Todobaadkaan Gudihiisa.
Ciidamada Ciraaq waxaa caawinaya Maleeshiyo Shiico ah oo dhankooda maalmihii dambe ka dagaalamayay Magaalada, iyadoo dhanka hawadana ay ka tageerayaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Ciraaq oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay guulo ay ka gaareen Ciidaamda Ciraaq, islamarkaana Magaalada inteeda badan laga saaray Ciidamada Daacish.




















