Taliyihii Ciidamada Xoogga ee Gobolka Bakool oo Xilkii Laga Qaaday+Dhageyso

0

Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka ee Soomaliya ayaa xilkii ka qaaday  Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee Gobolka Bakool iyadoo Xilkaas loo Magacaabay Taliye Cusub.

Korneel C/raxmaan Maxamed Tima-Cadde oo ahaa Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka Sooamliyeed ee Gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaliya oo wareysi siiyay Idaacada Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in wasaarada Gaashaandhiga Soomaliya ay kusoo wargalisay in xilkii laga qaaday isaga, isla markaana loo magacaabay Taliye Cusub dhawaana uu soo gaari Doono Gobolka.

Mudane C/raxmaan Maxamed Tima-Cade oo Idaacada Simba ay weydiisay in ay jiraan warar ku aadan in uu gudan waayay shaqooyinkii loo ikmaday ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwa been abuur ah, wuxuu hadalkiisa ku daray in bilihii ugu dambeeyay ay mushaar joogto ah ay helayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ee Gobolka Bakool.

Dhanka kale Korneel C/raxmaan Maxamed Tima-Cadde ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono taliyaha Cusub ee Ciidamada  Xogga dalka Soomaliyeed ee Gobolka Bakool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here