Xubno ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo Lagu Qabtay Gudaha Dalka Kenya

0

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in ay xabsiga dhigeen rag lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Alshabaab kuwaas afar ruux ku dilay magaalada kwale ee dalka Kenya.

Sida ay qortay wakaalada wararka dalka shiinaha ee Xinhua, Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen 4 ruux dhawr qof oo kalana ay ku dabajiraan kuwaas oo dhamaantooda lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al shabaab.

Booliska ayaa sheegay in ragaan ay Gacanta ku hayaa iyo kuwa kale oo ay ku dabajiraan ay kasoo laabteen dalka Somalia ayna 4 ruux oo Hogaamiyaal bulsho ah ay ku dileen magaalada kawle ee koofurta dalka Kenya.

Masuul u hadlay Booliska dalka Kenya oo layiraahdo  Joseph Boinett ayaa sheegay in Boolisku ay hawlgal balaaran kawadaan Gobolka xeebta Koofureed dhaca oo ay soo galeen xubno ka tirsan Alshabaab

Waxa kaloo uu ugu baaqay Shacabka In ay aad u digtoonaadaan inta lagu jiro Bisha Ramadaan Booliskana ay ku caawiyaan wixii macluumaad ah ee ay helaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here