C/raxmaan C/laahi Daqare oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo lahadlay idaacadda simba ayaa ka Digay in Magaalada Muqdisho hadii Xubno laga siiyo Aqalka sare ee Baarlamanka cusub in ay isku koobaan Shaqsiyaad gaar ah.
Siyaasigaani ayaa sheegay in maamul Goboleedyada dalka ay doonayaan in goboladooda ay xubno ahaan ku qaataan kuraasta sidoo kalane Muqdisho ay ka doonayaan in xubno ka qaataan.
waxa uu sidoo kale sheegay Siyaasi daqare in mas’uuliyadda guud ahaan uu qaadanayo madaxweynaha Soomaaliya sidaa awgeedne hadii la qadiyo Caasimada micnaheedu yahay in madaxweynaha uu qadiyey sida uu hadalka u dhigay.
Shirka Loogu hadlaayo Hanaanka Doorashooyinka oo Maanta lasoo Gaba-gabeyn doono ayaa la sheegay in loogu hadlay Shalay Maqaamka Muqdisho ay ku yeelan doonto Aqalka sare ee Baarlamanka soo socda.

