Wazaaradda Maaliyadda oo Shaqo Abuur u Sameenaysa Dhalinyarada Soomaaliyeed+Dhageyso

0

Wasaarada Maaliyada Xukuumada soomaliya ayaa sheegtay  in Bangiga Aduunku uu  sanadkaan ka gacan siinayo fursado shaqo oo ay u abuurayaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ay xiligaan hayso.

Wasiirka wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaliya Maxamed aadan Ibraahim Farkeeti oo Muqdisho ka Furey Barnaamijka Tiir dhexaadka u ah Tayeeynta iyo Fursadaha Hay’adaha Dhaqaalaha. Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project (SCORE) ayaa sheeegay in bankiga aduunka uu ka gacan siinayo Sanadkaan shaqo abuur loo sameynayo Dhalinyarada Soomaliyeed.

“Anagoo kaashanayna Bangiga Aduunku Waxaaan fursado shaqo aan u abuuri doonaa Dhalinyarada Soomaliyeed ee ka baxay Jaamacadaha dalka iyo kuwa bartay xirfadaha gacanta ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada soomaliya Maxamed aadan Ibraahim farkeeti.

Dhalinyarada Soomaliyeed ayaa mudooyinkii dambe ku dhimanayay Biyaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga iyagoo hadafkooda uu ahaa gaarista qaar kamid ah wadamada Yurub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here