Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya ee Gobolka Galgaduud ayaa ku eedeeyay Maamulka Gobolka Hiiraan In ay xabsiga dhigeen sarkaal ka Tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed kadib markii lagu soo wargaliyay in siminaar ciidan lagu qaban doono Magaalda Beledweyne.
Taliye Cabdi Xasan Biya Quute oo kamid ah saraakiiisha ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ayaa sheegay in sarkaal magaciisa la yiraahdo Maxamed Kaahiye caraale (Dhaga-dheere) in lagu xiray Magaalada Beledweyne kadib markii lagu soo oogay eedeemo ku aadan in ciidamo uu isaga hogaamiyo ay dileen sarkaal ka Tirsanaa Xarakada al-shabaab oo dhawaan ay qabteen ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed.
Waxa uu intaas hadalkiisa ku daray in kaliyah lagu hayso maxaa u dishay sarkaalka shabaab oo askar iyo saraakiil badan ku dilay Gobolka Galgaduud waa sidii hadalka u dhigee Taliye Cabdi Xasan Biya Quute.
Taliye Cabdi Xasan Biya Quute ayaa Tilmaamay in marar badan uu dowlada soomaliya Maxamed Kaahiye caraale ku wargaliyay in ay diyaarad usoo diyaaraan Gobolka Galgaduud si loo qaado sarkaalka ay gacanta ku hayeen.
“Dowlada Soomaliya waxaa ku jira Mas’uuliyiin kasoo horjeeda in la dilo Raga ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayuu yiri Taliye Cabdi Xasan Biya Quute oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale si aan wax badan ugu ogaano arintaan eedeynta waxaa qadka taleefanka kula xiriirnay Saraakiisha Ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahad alle oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in aysan jirin wararka ku aadan in sarkaal ka Tirsan ciidamda Xoogga dalka soomaliyeed in lagu xiray Magaalada Beledweyne.

