Maxkamada Darajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riddey eedeysanayaal maalmihii dambe dhageysiga Dacwadooda ay socotay.
Eedeysanayaasha Maalmihii dambe dacwadooda ay socotay waxaa kamid ahaa 1- C/wali Maxamuud Cali Macow oo Madax ka ahaa Amniga Hay’ada duulista Hawada ee Garoonka Muqdisho, oo sidoo kale lagu eedeeyay in uu ka Tirsanaa Al-shabaab, 2- Careys Xaashi Cabdi oo isna lagu soo eedeeyay in uu soo abaabulay misana maal galiyay qaraxii diyaarada Daallo air Line.
Maxkamada ayaa ku xukuntay C/wali Maxamuud Cali Macow, iyo Careys Xaashi Cabdi xukun Xabsi daa’in, kadib markii ay Maxkamada sheegtay in lagu helay in ay ahaayeen shaqsiyaadkii fududeeyay qaraxii Diyaarada Daallo Air Line.
Sidoo kale Maxkamada Darajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa eedeysanayaasha kala ah Abshir Macalin Macalin Axmed, iyo Safiyo C/laahi Xasan Cali Xukuntay min 4-sano oo xabsi Ciidan ah.
Liibaan Maxamed Yalaxow ,Cumar Muxudiin Xuusen(Qoobey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ayay ku xukuntay min 1-sano oo xabsi Ciidan ah.
Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad diiriye ,Aadan Daahir shiikhow, ayaa lagu xukumay min 6-bilood oo xabsi Ciidan ah.
Sidoo Kale Maxkamada ayaa Amartay in xabsiga laga sii daayo 5-ruux oo lagu waayay wax Dambi ah.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Gudoomiyaha Maxkamada oo ku Dhawaaqaya Xukunada

