Dagaal soo gaaray ilaa galabta galinkii dambe ayaa maanta ka dhacay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose kadib markii Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Kenya, oo la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca Degmada Dhoobley, isla-markaana ay ku sii jeedeen deegaanka Taabto, ay jidka u galeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub noocyadiisa kala duwan waxaana wali la ogeyn qasaaraha rasmiga uu dhaliyay dagaalka iyadoo warar kale ay sheegayaan in diyaarado ay leedahay Kenya ay kusoo biireen dagaalka isla markaana ay duqeeyeen goobaha lagu dagaalamayay.
Sarkaal ka tirsan xarakada Al-shabaab oo warbaahinta Al-shabaab la hadlay ayaa sheegay in dagaalka lagu gubay gaadiid sahay usoo waday dhanka degmada Taabto ee Gobolka Jubada Hoose isla markaana ay qasaaro la gaarsiiyay Ciidamada Kenya.
Dowlada Kenya wali kama aysan hadlin dagaalka ka dhacay maanta Degmada Dhoobley Gobolka Jubada Hoose.

