Dhaawaca Cristiano Ronaldo Soo Gaaray Sidee Real Madrid ugu Hadashay

0

Weeraryahanka kooxda Real madrid Cristiano Ronaldo ayaa hoos u dhigay wararka ku aadan in dhaawiciisa uu yahay mid daran isla markaana uu seegayo Finalka Magaalada Milaano ee dalka talyaaniga.

Tababarkii ay maanta sameeyeen ciyaartooda kooxda real Madrid ka Hor Finalka Magaalada Milaano ayaa la arkayay iyadoo Ronaldo ay isku dhaceen goolhaye Kiko Casila isla markaana uu dhaawac soo gaaray laacibka reer Portugal.

Dhanka kale Macalinka kooxda Real Madrid Zinedine Zidane, ayaa dhankiisa hoos u dhigay wararka ku aadan in dhaawac daran uu soo gaaray xidiga Cristiano Ronaldo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here