Waxaa maanta lasoo gaba-gabeeyay Dhageysiga Dacwado loo heystay eedeysanayaal lala xiririinayo in ay ku lug la haayeen Qaraxii Diyaaradda Daallo Airline ka dhex dhacay 2-dii bishii February ee sanadkaan 2016-ka.
Ugu horeyntii Xeer ilalainta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa soo jeedisay arimaha loo heysto eedeysanayaashan oo tiradoodu gaareyso 15-ruux inkastoo mid kamid ah uusan maxkamadda goobjoog ka aheyn xiligaas.
Qaar kamid ah Qareenada Difaacayay eedeysanayaasha ayaa ku doodayay in aysan wax dambi ah aysan laheyn eedeysanayaasha islamarkaana ay maxkamada ka codsadanayaa in lasii daayo dadkaan oo maalmihii dambe ay socotay dhageysiga Dacwadooda.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay in maxkamaddu xirantahay dibna looga dhawaaqi doono xukunada ay mudanyihiin.
Maalmaha soo Socda ayaa Maxkamada laga sugayaa in ay ku dhawaaqdo Xukunada lagu ridey 15-ruux ee ku eedeysan in ay wax ka ogaayeen qaraxii Diyaarada Air Line ee dhacay 2-bishii February ee sanadkaan 2016-ka.

